session uppdatera gms varning förnya
Vill du stanna kvar på sidan?
Du har varit inaktiv i en längre stund och kommer att bli utloggad om du inte väljer att stanna kvar på sidan.
Automatisk utloggning sker om cirka
Stanna kvar på sidan
Problem med nätverket
Inget internet. Kontrollera din nätverksanslutning.
Tillfälligt tekniskt fel

Sidan ayaad u codsaneysaa lacagta waxbarasho – Loogu talogalay adigaaga wax ka baran doonaa Iswiidhan

Miyaad bilaabi doontaa waxbarasho? Waa arrin fiican! Waxbarashadu waa fursad dhanka horumarka ah oo waxay rajo ahaan hal talaabo kuugu sii dhawaynaysaa shaqada aad doonaysid inaad hesho. Halkan waxaad ka helaysaa tusaale dhakhso ah waxa aad u baahantahay inaad samayso si aad u hesho lacagtaada waxbarasho.

Ma waxaad wax ka baran doontaa dugsiga sare?

Ilaa iyo oo ay ku jirto nus sanadka ugu horeeya ee aad adigu buuxinayso 20 sano waxaad helaysaa kaalmada waxbarasho taas badalkeeda. Markaasi maaha inaad codsato lacagta waxbarasho.

Lix talaabo oo dhakhso ah – laga bilaabo codsiga ilaa lacag bixinta

1. Eeg inta ay leegtahay kaalmada iyo deynka aad codsan karto

Halkan waxaad ka arki kartaa inta ay leegtahay kaalmada iyo deynka aad adigu codsan karto marka aad wax ka baranayso iskool ku yaala Iswiidhan. Jedwalkan waxaanu kugu tusaynaa inta ay aad heli karto hal toddobaad iyo afar toddobaad.

Cadadka lacagta waxbarasho ee waxbarasho wakhti buuxa lehna amaah waxbarasho oo buuxda, 2024


Lacagta waxbarasho ee 1 toddobaad, kr

Lacagta waxbarasho ee 4 toddobaad, kr*

Kaalmo

997

3 988

Amaah

2 292

9 168

Isugeyn

3 289

13 156

* Hal lacag bixin waxay ka koobantahay caadi ahaan afar toddobaad. Lacag bixinta ugu horeysa iyo ta ugu dambeysa ee nus sanad-dugsiyeedka way ka duwanaan kartaa inta ay leegtahay.

2. Lacagta waxbarashada ka codsa gudaha Mina Sidor

(adeegan elakarooniga ah waxaa lagu helayaa af-Iswiidhish oo keliya)

Eeg filimkan ku saabsan sida adigu aad samaynayso marka aad lacag waxbarasho ka codsanayso dhanka Mina Sidor.

Talooyinka ka hor codsigan

  • Soo ogow ina dhibcood ee aad akhriyayso Haddii aad wax ka baranayso waxbarashada dadka waaweyn waa inaad adigu xitaa ogaato taariikhda waxbarashadan bilaabmayso iyo dhamaanayso.
  • Fadlan codso wakhti dheer, tusaale ahaan xilliga deyrta iyo gu’ga ee sanad dugsiyeedka.
  • Adigu ma u baahnid inaad soo raacisid caddaynta in iskool ku qaatay waayo macluumaadkaas waxaanu ka helnaa iskoolka. Haddii aad soo raaciso lifaaqyo markaas wakhtiga ka shaqaynta arintan way dheeraanaysaa.

3. Hubso in go’aanku yahay sax

Dadka badankoodu waxay go’aan ka helaan CSN hal toddobaad gudihiisa, laakiin mararka qaarkood waxay qaadan kartaa wakhti intaas ka dheer. Marka aad hesho go’aanka – hubi in macluumaadka oo dhan yihiin sax.

Eeg wakhtiyada ka shaqaynta codsiyada (ku qoran af-Iswiidhish)

4. Diiwaan geli xisaabta bangi ee aad doonaysid in lacagta aad ku hesho

Si lacagtan ay u soo gaarto xisaabtaada bangi waxaad u baahantahay inaad sheegto nooca bangiga iyo lambarka xisaabta ee aad leedahay. Waa Swedbank kuwa ka shaqeeya lacagaha ay CSN bixiso, markaa waxaad diiwaan-gelintaada ka samaynaysaa diiwaankooda xisaabaha.

Xisaabtaada bangi ka diiwaan geli Swedbank diiwaankeeda xisaabaha bangiyada.

5. Iska diiwaan geli koorsooyinkan oo soo gudbi damaanad qaadka waxbarasho marka iskoolku bilaabmo

Si lacagaha la bixinayaa u bilaabmaan waa inaad samayso laba arimood:

  1. Iska diiwaan gelisid koorsooyinka aad baran doonto. Tani waxaad ka samaynaysaa iskoolkaaga. Iskoolka ayaa markaas CSN u soo sheegaya inaad bilowday waxbarashadaada.
  2. Damaanad qaadka waxbarasho aad u soo gudbiso CSN. Waxay ka dhigantahay ogolaansho in macluumaadka ku jira go’aanka ay waafaqsanyihiin sida aad wax u baran doonto. Adigu waxaad damaanad qaadkaaga waxbarasho ka samayn kartaa Mina sidor xilliga aad bilowdo inaad wax barato.

Akhri dheeraad ku saabsandamaanad qaadka waxbarasho (ku qoran af-Iswiidhish)

6. Sidaas ayay ku dhamaatay!

Lacag bixinta ugu horeysa ee nus sanad dugsiyeedka waxaad helaysaa xilliga aad bilowdo inaad wax barato (haddii aad samaysay talaabooyinka hore) Waxaanu ka dib bixinaa lacagaha 25-ka bil kastaba.

Akhri dheeraad ku saabsan shuruudaha iyo lacag bixinta

Halkan waxaad ka helaysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan lacagta waxbarasho, tusaale ahaan

  • waxa shuruud u ah in la helo lacag waxbarasho
  • marka lacag bixintu dhacayso
  • marka aad bilowdo inaad dib u bixiso lacag.

Lacag waxbarasho – kaalmo iyo amaah waxbarasho

Muhiim ah inaad ka fikirto marka aad waxbaranayso

Waanu ognahay in waxyaabo dhacaan dhanka nolosha oo laga yaabee wax kastaaba aanay noqon isla sidii qofku ku fikirayay. Sidaas darteed waxaanu doonaynaa inaanu ku siino dhowr talo oo ku saabsan waxa fiican in laga fikiro xilliga wakhtiga aad wax baranayso, si aanad dhibaato ula kulmin dhanka lacagtaada waxbarasho.

  • Haddii aad xanuusato oo aanad wax baran karin – wargelinta xanuunka u gudbi Qasnadda Caymiska! Haddii ay aqbalaan wakhtiga xanuunka markaasi waad haysan kartaa lacagta waxbarasho, shuruuda natiijada waxbarasho way hooseynaysaa oo toddobaadyadi lagu qaatay lacag waxbarasho ma la xisaabinayo in la isticmaalay. Faa’iidooyin badan ayay adiga kuu leedahay! Si taas la mid ah ayaa khuseysa haddii aad u baahato inaad hayso caruur xanuusanaysa, laakiin markaas waxaad wargelinaysaa CSN.
  • Haddii aad joojiso koorso ama dhigato dhibco ka yar intii aad qorshaysatay markaasi waa inaad wargelisaa CSN. Markaas ayaanu saxaynaa lacagaada waxbarasho si aad u hesho lacag bixin sax ah. Qaabkaas ayaad isaga ilaalin kartaa inaad lacag dib u bixiso iyo dhibaatooyin kale dhanka lacaga waxbarashada.

Haddii wax dhacaan ama isbadalaan (ku qoran af-Iswiidhish)

Updated: 2024-03-22
Did this page help you?