Af-soomaali (somaliska)
CSN waa hey’adda dowladda ee maareysa taageerada dhaqaalaha ee waxbarashada ee iswiidhishka, micnaha kaalmada dhaqaalaha iyo deynta waxbarashada loogu tala galay. Waxaan xitaa maareynaa deynka leysinka darawalnimada iyo deynka guri alaab dhigashada. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa wax dheeraad ah oo ku aaddan taageerooyinka kala duduwan. Macluumaadka Soomalidu waa heer guud ahaaneed.
Table of contents
-
Ku cusub Iswiidhan, qaxootina ah
-
Taageero dhaqaale oo waxbarasho – kaalmo dhaqaale iyo deyn loogu tala galay waxbarashada
-
Dib u bixinta deynta waxbarashada
-
Deynka guri dhigashada - waxaa loogu tala galay adigaaga qaxootiga ah
-
Deynka leysinka darawalnimada – loogu tala galay adigaaga shaqo la’aanta ah
-
Nala soo xiriir
Feyruska corona awgiis
Ku cusub Iswiidhan, qaxootina ah
Iswiidhan ma waxaad u timid qaxooti ahaan? Halkan waxaa ku jira macluumaad loogu tala galay adigaaga qaxootiga ah ama guudmaanka u ah canug waddanka kaligiis yimid.
Ku cusub Iswiidhan
Taageero dhaqaale oo waxbarasho – kaalmo dhaqaale iyo deyn loogu tala galay waxbarashada
Ma tahay muwaadin ajnabi ah?
Adigaaga ah muwaadin wadan kale u dhashay xaq waad u yeelan kartaa taageero dhaqaale oo waxbarasho oo iswiidhish ah haddii aad buuxineysid shuruudaha qaarkood. Haddii aad sharci degganaansho oo joogto ah (PUT) leedahay, deggantihidna Swiidhan xaq baad badanaa u leedahay kaalmo dhaqaale oo waxbarasho oo swiidhish ah.
Haddii aad Laanta qaxootiga ka heshay sharci degganaansho oo waqti go’an ah iyadoo ay sababtu tahay xaalad qaxootinnimo ama wax u eg, xaq baad sidoo kale badanaa u leedahay taageero waxbarasho oo iswiidhish ah. Laakiinse ka megengelyo doon ahaan xaq uma lihid taas.
Marka intaas laga reebo waxaa jira xeerar kala duwan iyadoo ku xiran in aad u dhalatay waddan ka mid ah waddamada Midowga Yurub/Iskaashiga dhaqaalaha ama Swiizerland ama waddan kale.
Taageerooyinka dhaqaale ee waxbarashada ee kala duduwan
Waxaa jira taageero waxbarasho oo kala duwan oo ku kala xiran waxa aad baraneysid iyo da'daadu inta ay tahay. Waa kuwan kuwa caadiga ahi:
Dib u bixinta deynta waxbarashada
Haddii aad wax ku baratay Deynta waxbarashada (Studielån) ee ay bixiso Hay`adda Arrimaha Waxbarashada [CSN], waxaad bilaabaysa dib u bixinta deynta, markii aad hakad geliso ama aad waxbarashada Deqda/deynta waxbarashada [Studiemedel] ka qalin-jebiso. Nidaamku waa sidaas xitaa haddii shaqolaawe aad tahay, aad ku nooshahay Lacagta waalidiinta (föräldrapenning) ama dal dibadda ku yaallo u guurto. Halkaan ka aqriso warbixin ku saabsan dib u bixinta deynta iyo talaabada aad ka qaadi karto haddii dhibaato ay ka hayso dib u bixinta deynta.
Dib u bixinta deynta waxbarashada
Deynka guri dhigashada - waxaa loogu tala galay adigaaga qaxootiga ah
Adigaaga soo gelaya qaabilaadda qaxootiga ee degmadu waxaad amaahan kartaa lacag si aad gurigaaga ugu iibsatid alaab iyo qalab kale. Waxay noqon karaan sariirro, saxaman, digsiyo iyo kuraas. Lacagta uma isticmaali kartid tusaale ahaan cunto, taleefan-gacan ama kirada guriga. Inta ay la egtahay lacagta laguu oggolyahay inaad amaahato waxay ku xirantahay inta qoyskaagu la egyahay, wixi horay guriga u yiillay iyo inta ay la egtahay lacagta aad horay u heysato.
Lacagta aad deynsaneysid waa in aad gadaal dambe ka soo celisid. Waxaad bilaabeysaa inaad amaahda dib u bixisid 2 sanno ka dib marki aad heshay lacagti ugu horeysay.
Deynka leysinka darawalnimada – loogu tala galay adigaaga shaqo la’aanta ah
Adigaaga shaqo la’aanta ah waxaad lacag ka deynsan kartaa CSN si aad u qaadatid leysin darawalnimo oo heerka B ah. Leysinka darawalnimada waxaa kuugu fududaanaya in aad shaqo heshid. Si aad xaq ugu yeelatid deynka waa in aad shaqo la’aan tihid, una dhexeysid 18 iyo 47 sano. Waa in sidoo kale aad buuxisid shuruudo go’an. Waxaad ugu badnaan deynsan kartaa 15 000 oo koron. Deynka waxaa khasab ah in aad dib ka soo celisid, waana in aad taas sameysid xitaa haddii aadan qaadan leysinka darawalnimada.
Nala soo xiriir
Marka aad nala soo xiriireysid waxaad jawaab ku heli kartaa iswiidhish ama ingiriis.