session uppdatera gms varning förnya
Vill du stanna kvar på sidan?
Du har varit inaktiv i en längre stund och kommer att bli utloggad om du inte väljer att stanna kvar på sidan.
Automatisk utloggning sker om cirka
Stanna kvar på sidan
Problem med nätverket
Inget internet. Kontrollera din nätverksanslutning.
Tillfälligt tekniskt fel

Maxaa ku dhacaya kaalmada lacageed ee waxbarashada haddii aad si aan la oggoleyn uga maqnaatid dugsiga sare?

Haddii aad si aan la oggoleyn uga maqnaatid dugsiga sare waa la joojin karaa kaalmada lacageed ee waxbarashada. Taasi waxay xitaa khuseyneysaa kaalmooyinka kale ee lacageed, tusaale ahaan lacagta dheeriga ah ee ka timaada CSN-ta ama kaalmada kabka kirada ee ka timaada Qasnadda Ceymiska. Halkan ayaad ka akhrisan kartaa waxa ku dhacaya kaalmada lacageed ee ka timaada CSN-ta haddii aad si aan la oggoleyn u maqnaatid.

Waxyaabahan ayaa loo arkaa maqnaasho aan la oggoleyn

Waa iskoolka cidda qiimeyneysa waxa loo arko maqnaasho aan la oggoleyn. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa in si ku celcelis ah, sabab la’aan

  • uga baaqatay casharradaada
  • u soo daah-daahday
  • casharrada uga baxdid inta aysan dhamaannin.

Haddii aad si aan la oggoleyn marka la isku daro bil gudeheed u maqnaatid afar saacadood ama in ka badan, wuxuu iskoolku taas u gudbinayaa CSN-ta.

Mararka qaarkood waxaa jiri kara sababo gaar ah oo loo aqnaado, wuxuuna iskoolku markaas dooran karyaa in uusan u gudbin CSN-ta. Waxay taasi tusaale ahaan ku saabsanaan kartaa cudur, bahdilaad ama sababo kale oo qof ahaaneed. Haddii aad iskoolka uga aqnaatid in aadan fiicneyn awgeed waa muhiim in aad iskoolkaaga la hadashid.

Waxyaabahan ayaa dhacaya marka uu iskoolku u aragyo in aad si aan la oggoleyn u maqnaatay

Iskoolku wuxuu CSN-ta u gudbinayaa in aad si aan la oggoleyn u maqnaatay. Marka ay taasi dhacdo laguuma arkayo in aad si buuxda wax u baratid, sidaas darteedna xaq uma lihid wax kaalmo lacageed ah.

  1. CSN-tu waxay joojineysaa soo shubiddi lacagahaagi kaalmada ahaa, waxayna baaritaan ku sameyneysaa haddii lacag intaad xaq u lahayd ka badan lagu siiyo.
  2. Marka uu iskoolku u aragyo in aad si joogto ah marka kale waxbarashada u wadatid wuxuu iskoolku taas u soo gudbinayaa CSN-ta.
  3. Mar kale ayaad markaas xaq u yeelaneysaa kaalmadi lacageed, laakin haddii horay laguu siiyay lacag aadan xaq u lahayn waxaa dhici karta in ay waqti qaadato inta aan lacagta lagu billaabin. Wax dheeraad ah ka akhriso cinwaanka: Haddii ay khasab tahay in aad CSN lacag u soo celisid, hoostiisa.
  4. Lacagta bisha Juun waa la goosan karaa. Waxaad taas qaadaneysaa oo keliya haddii toban bilood oo sanad dugsiyeedka ka mid ah aad si buuxda wax u dhigatay.

Maskaxda ku hay! Marka la joojiyo kaalmada lacageed ee waxbarashada waxaa xitaa la joojin karaa kaalmooyinka lacageed ee ka yimaada hey’adaha kale, tusaale ahaan kaalmada kirada guriga iyo lacagta dheeriga ah ee hal canug wixii ka badan la isku siiyo ee ka timaada Qasnadda Ceymiska.

Haddii ay khasab tahay in aad lacag u celisid CSN-ta

Haddii lagu siiyay kaalmo lacageed oo aadan xaq u lahayn, waxaa khasab ah in aad lacagta dib u soo celisid. Marka hore waxaan ka jaraneynaa lacagaha sanad dugsiyeedka gudihiisa laguu soo shubi doono. Haddii aysan ku filneyn, ama haddii aadan si buuxda waxbarashada dib ugu soo laaban, waxaan dhammaadka Juun kuu soo dirsaneynaa faatuuro ku aaddan lacagta lagaa rabo in aad dib u soo celisid. Waxaa lacag soo celinta laga rabaa cidda ay lacagtu ku soo dhacday.

Waa muhiim in lacagta la iska rabo waqtigeeda lagu dhiibo

Haddii lagaa dalbo in aad lacag soo celisid waa muhiim in aad taas iska bixisaa. Haddii ay kugu adagtahay in aad lacagta bixisid waa leeska yar-yareyn karaa inta badan. Haddii ay sidaas tahay la soo xiriir CSN-ta, si aan xalka ugu fiican kuugu fiirinno.

Haddii aadan wax xil ah iska saarin in aad lacagta iska bixisid, in kasta oo lagu xasuusiyay, waxaan markaas kiiskaaga u gudbineynaa Kronofogden. Waxay taasi keeni kartaa in laguugu calaameeyo in aadan lacagaha iska bixin.

Haddii aad dood qabtid

Haddii aad u aragtid in ay khalad yihiin macluumaadka iskoolka ee ku aaddan maqnaashadaada aan la oggoleyn, waa in aad marka hore la xiriirtaa iskoolkaaga. Waa iskoolka cidda qiimeyneysa waxa ah maqnaasho la oggolyahay ama maqnaasho aan la oggoleyn, ee maaha CSN-ta.

Haddii aad u aragtid in go’aanka CSN-tu uu khaldanyahay waad ka dacwoon kartaa go’aanka.

Published: 2021-09-10
Did this page help you?